Latest Post

6/recent/ticker-posts

Tafsiir Quraan kariim Af somali


 









Tafsiir Quraan kariim Af somali 

115 ) Waxay ku Taam noqotay kalimooyinka Eebahaa run iyo Caddaalad wax Badali Kalimooyinka Eebana ma jiro, Eebana waa Maqle Og.

116 ) Haddaad Maqashid waxa Dhulka ku Sugan Badankooda waxay kaa Dhumin Jidka Eebe, mana Raacayaan waxaan Malo ahayn waana Beenaalayaal.

117 ) Eebahaa yaa og Cidda ka Dhumi Jidkiisa, Isagaan og Cidda Hanuunsan.

118 ) Ee Cuna waxa Magaca Eebe lagu Xusay Haddaad Aayaadkiisa Rumaynasaan.

119 ) Maxaad la cuni waydeen waxa Magaca Eebe lagu Xusi, Isagoo laydiin Caddeeyey waxa Leydinka  Reebay inaad Dhibbantihiin mooyee, wax Badan waxay ku Dhumin (Dadka) Hawadooda Cilmi darro, Eebahaana waa Ogyahay kuwa Xad -gudba.

120 ) ka Taga Dambiga Muuqda iyo Kan Qarsoonba, kuwa Jasbada Dambigana waxaa laga Abaal marin waxay kasbanayeen.

121 ) Ha Cunina waxaan lagu Xuin Magaca Eebe, illeen waa Xumaane, Shaydaamaduna waxbay u Sheegaan Saaxiibkooda inay idinla murmaan, Haddaad Maqashaanna waxaad Noqonaysaan Gaalo.

122 ) Cid mayd ahayd oon noolaynay oon u Yeellay Nuur uu ku Dhex Socdo Dadka ma lamidbaa mid Mugdi ku Sugan oo ka baxayn, Saasaana loogu Qurxiyey Gaalada waxay Falayeen.

123 ) Saasaana ugu Yeellay Magaalo kasto Dambilayaal waawayn, waxaan Naftooda ahayn ma Dhagryaan mase oge.

124 ) Markaay soo Gaadho aayad waxay Dhahaan Rumayn maynno inta nalooga keeno wixii la siiyey  Rasuuladii Eebe Ilaahay baana og Meejuu Yeeli Rasuulnimada waxaana ku Dhiei kuwii Dambaabay Dulli Eebe Agtiisa ah iyo Cadaab Daran waxay Dhagrayeen Darteed. 

125 ) Cidduu Eebe Hanuuniyo wuxuu u Waasieiyaa Liibtiisa Islaamka,  Cidduu Doono inuu Dhumiyana Wuxuu ka Sidii Isagoo kori Samada saasuuna u Yaalay Eebe Xumaanta korka kuwaan Rumaynin xaqa.

126 ) Wakaas Jidka Eebahaa oo Toosan Aayaadkana  waxaan u Caddaynay Ciddii wax Xusuusan.

127 ) Waxayna Mudanyihiin Guri Nabadgalyo oo Eebahood Agtiisa ah Isgaana Gargaarahooda ah  waxay Camal falayeen Dartiis.

128 ) Xusuuso Maalinta Eebe Kulmin Dhammaantooda (kuna Dhihi) Kulanka Jinniyow waad badsateen (Baadiyeynta) Insiga ah waxayn Dhehaan Saaxibadood oo lnsiga ah Eebahannow Qaarkanno qaarbuu ku Shaqaystay waxaana Gaadhanay Ajashaad (Mudadaad) noo Samaysay, wuxuuna ku yidhi Naarbaa Iloyaadhiina ah idiinkoo ku Waari Dhexdeeda wuxuu Eebe doono Mooyee, Eebahaana waa Falsame Oge ah.

129 ) Saasaana ugu Dirraa Daalimiinta Qaarkood Qaarka kale waxay kasbanayeen.

130 ) Jinni iyo Insiyow Miyuuna idiin Imaanin Rasuuloo Idika mid ah oo iddinka Warrama Aayaadkayga idiikana Diga la kulunka Maalintan waxayna Dhaheen waan ku Marag Fuuray Naftanada waxaana dhagartay Nolosha Dhaw, waxayna ku Marag fureen Naftooda inay gaalo ahaayeen.

131 ) Arrintaasna waa Inaan Eebahaa halaagin Magaalo Dulmi Dartiisa iyagoo Dakeedu Halmaamasanyahiin (aan loo digin).

132 ) Cid kasta Darajooyin yey Leedahay oo waxay Camal Fashay ah Eebahaana ma ah mid halmaasan waxay Camal Faleen.

133 ) Eebhaana waa Hodan Naxriis badan, Hadduu doono wuu idin Baabi'in idinkuna Bedali Gashaashiin Ciduu Doono siduu iddinka Abuuray Faracii qoom kale. 

134 ) Waxaa Laydiin Yaboohi wuu Imaan Eebana ma daalisaan.

Tafsiir Quraan kariim Af somali 

135 ) Waxaad Dhahdaa Qoomkeeygow ku Camal Fala Sidiinaas, ama waan Camal faliye waxaadna Ogaan doontaan Cidday Cidhib Dambe u ahaateen mana Liibaano Daalime.

136 ) Waxay uga yeeleen Eebe wuxuu Abuuray oo Beero iyo Xoolo ah qayb, waxyna Dhaheen kan Eebaa iska leh Sheegashadooda kanna waxaa iska leh Shurukadanada (Sanamyda) waxa Eebana wuxuu Gaadho Eebe, waxa Sanamyadu Gaadho Eebe, waxa Eebana wuxuu Gaadhaa Sanamyadooda waxaa Xun waxay Xukumeen.

137 ) Saasayna ugu Qurxiyeen in Badan oo Gaalada ah  Dilidda Caruurtood Shurukadoodu, (Shayaadiintu) inay Halaagaan kana Khaldaan Diintooda, Hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Isaga Tag iyaga iyo waxay Been Abuuran.

RABII AYAAY U SUG NAATAY MAHAD OO DHAN 

Post a Comment

0 Comments