Latest Post

6/recent/ticker-posts

Tafsiir Quraan kariim Af somali

 











Tafsiir Quraan kariim Af somali 

94 ) Waxaad Noogu Timaadden kali kali sidaon idiiku Abuuray marka hoc waxayna kaga Timaaddeen waxaan idinku Nicmaynay Gadaashiina mana ku Aragno Agtiisa Shafeeceyaalkiinnii and Sheegayseen saly Shuruko Yidhi. Waxaana Go'ay Xidhiidhkiinnii waxaana Dhumay waxuad Sheeganeyseen.

95 ) Eebaa Jeexa Xabbadda Midhaha ah, iyo Timita, Wuxuuna ka soo Bixiya wax Nool wax dhimaad ah, kana soo Bixiyaa wax Dhimaad ah wax Nool, Kaasi waa Eebe ee Xaggee Laydiinka lili (Xqa).

96 ) Eebe waa kan Abuuray Iftiinka kana Yeelay Habeenka Xasil, Qorraxda iyo Dayaxana Xisaab, Taasina waa Maamulka Eebe Adkaade ee Og.

97 ) Eebe waa Kati idiin Yeelay Xiddigo inaad ku Toostaan Mugdiga Barriga iyo Badda, waxaan u Caddaynay Aayaadka Ciddii garan.

98 ) Eebe waa kan Idinka Abuuray Naf Kaliya (Nabi Aadam) Idiinna Yeelay Sunaasho iyo Hoyosho,  waan u Caaddaynay Aayaadka Ciddi wax kasi. 

99 ) Eebe waa kan soo Dajiy Samada Biyo kuna soo Bixinno Doog Cagaaran oon ka soo Saarro Midho kala Koreeya, Timirtana Fiiddeda ah Laamo Dhow, Beerana (waan ku so Bixinaa) oo ah Cinab, Zaytuun, Rummaan (qaar) Isu eg, iyo Qaar aan Isu Ekayn, Daya Midhihiisa markuu Midho dhalo iyo Bisaylkiisa Taasina Calaamaa ugu Sugan Cidii wax Rumayn.

100 ) Waxaay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinnin ah Isagoo Abuuray waxay ku Sheekeen (Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn,   waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi.

101 ) Eebe waa kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka sideese Ilmo ugu ahaan Isagoon Haweenay lahayn wax walbana Abuuay wax kastana Og.

102 ) Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray ee Caabuda wax walbana isagaan u Wakiil ha (ILaaliya).

103 ) Ma haleesho Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe lamase Arko adduunka) waana wax Ode Xeeldheer.

104 ) Waxaa idin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshaana Naftiisuu Dhibay, Anna ma ihi mid idin ILaalin.

105 ) Saasaannu u gagadinnaa (Caddaynaa) Aayaadka inay Dhahaan waad Akhriatay iyo Inaan u  Caddayno Ciddii wax Garan.

106 ) Raac Nabiyow waxa lagaaga Waxyooday Xagga Eebahaa ILaahay mooyee Eebe kalana ma jiro kana Jeedso Musharkiinta.

107 ) Dadduu doono Eebe mayna la Wadaajiyeen kaagamana aanaan Yeelin Ilaaliye Wakiilnakama tihid.

108 ) Ha Caayin waxay Caabudi oo Eebe ka  soo Hadhay oo markaas iyana Caayaan Eebe Colnimo iyo cilmi la'aan, Saasaan ugu Qurxinay ummad kasto Camalkeeda Xagga Eebe Umbyna Noqoshadoodu tahay wuxuuna uga Warrami waxay Fali Jireen.

109 ) Waxay ku Dhaarteen Gaaladii Dhaar Adag, Hadday soo Gaadho Aayadi inay Rumaynayaan, waxaad Dhahdaa Aayaadku waxay Jiraan Eebe Agtiisa, Miyeyse Ogyihiin Hadday Aayaddu soo Gaadho inayna Rumaynayn.

110 ) Waxaanu Gaddi Quluubtooda iyo Araggooda Sidayna u rumayn, Markii horaba waxaana ku Daynanaa Iyagoo ku Wareersan Xadguddybkooda.

111 ) Haddaan ku soo Dejinno Malaa'ig oo Dadkii Dhintay la Hadlo oon wax kasta Hortooda ku Kulminno, mayna rumeeyeen in Eebe doono Mooyee, Hase Yeeshee Badankood waa Jaahiliin.

112 ) Saasaana ugu Yeelay Nabi Kasta Col Shaydaan  Insi iyo Jinniba leh, oo Qaarkood Qaarka kale u Waxyoon (Sheegi) Hadal la Dhoob-Dhoobay Dhumin Darteed. Hadduu Eebe Doonana mayna Faleen ee Iskaga Tag iyaga iyo waxay Been-Abuuran.

113 ) Iyo ay Maqashob Quluubta Kuwaan Rumayn Aakhiro, iyo Inay ka Raalli Noqdaan, iyo inay kashadaan waxay Guranayeen.

114 ) Ma Diinta Eebe waxaan ahayn yaan u Dooni Xaakim Isagoo idiin soo Dajiyey Kitaabka oo la Caddeeyey kuwaan Siinay Kitaabka waxay Ogyihiin  in Quraanka laga soo Dejiyey Xagga Eebahaa ee ha Noqonin kuwa Shakiya 

RABII AYAAY U SUG NAATAY MAHAD OO DHAN 


Post a Comment

0 Comments