Latest Post

6/recent/ticker-posts

Tafsiir Quraan kariim Af somali











51 ) Ugu dig Quraanka kuwa ka Cabsan in loo soo Kulmiya Eebahood iyagoo lahayn sokaydii Qaraabo iyo Shafeece Midna inay Dhawrsadaan Darteed.

52 ) Hana Eryin kuwa Eebahood aroor iyo Galabba iyagoo Dooni Wijigiisa waxba kaama saarra Xisaabtooda iyana Xisaabtaada waxba Kama Saarra ood eridid ood ka mid noqotid Daalimiinta.

53 ) Saasaana isugu Imtixaanay (Dadka) Qaarkood Qaarka kale inay Dhahaan ma kuwanaa Eebe ku Manaystay (Islaamka) Dhexdannada, Miyuusan Eebe ahayn kan og kuwa ku Mahdiya.

54 ) Markaay kuu Yimaadaan kuwa Rumeeyey Aayaadkanaga waxaad dhahdaa Nabadgalyo korkiinna ha ahaato, wuxuu Eebe Isasaaray Naxariis, oo ah Ciddii idinka mid ah oo fasha Xuman isagoo ka Jaahil ah oo Tooban keen nn wanaajiya Eebaa Dhaafi una Naxariista.

55 ) Saasaanu u kala Bixinaa Aayaadka si ay u Caaddaato Jidka Dambiilayaasha.

56 ) Waxaad Dhahdaa waxaan layga reebay inaan Caabudo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka soo Hadhay, waxaad Dhahdaa Raaci maayo hawadiinna oon Dhumo markaas Nogoninna kuwaan Hanuunsanyn.

57 ) Waxaad Dhahdaa waxaan ku Suganhay Xujo Eebahay waadna Beeniseen Xaqaas, agtayda ma ahan waxaad dadajisanaynaan, Xukunkana Eebaa iska leh, Xaquuna xukumi, waana kuu Xukukiisu Khayr Leeyahay.

58 )Waxaad Dhahdaa hadduu Yahay agtayda waxaad Dedejisanaysaan (Ciqabta) waxaa la kala Xukumi Lahaa Dhexdeenna Eebana waa Ogyahay Daalimiinta.

59 )Eebe Agtiisa waxaa ah Fuaha waxa maqan wax og  oon isaga ahayn ma jiro, wuxuuna Ogyahay waxa Barriga iyo Badda ku Sugan, wixii Caleena oo Dhacdana wuxuu Ogyahay, Xabbad Masaga ah Mugdiga Dhulka ku Sugan iyo wixii Qoyan ama lngagan waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.

60 ) Eebe waa kan idin Oofsada Habeenkii ogna waxaad Fashaan Maalintii Maraasna idin soo Bixiya  in la Xukumo Ajal Magacaaban Xaggiinna laydiin calin, markaasuu idinka warami waxaad Falaysaan.

61 ) Eebe waa kan ka Sarreeya Addoomadiisa, wuxuuna idin soo Diraa ILaaliye markuu u Yimaaddo Midkiin Mawdku waxaa Oofsata <<Disha>> Malaa'igtanada mana Gabood Falsan.

62 ) Markaasa loo Celin Dadka Xagga sayidkooda Xaqa ah isagaana leh Xukunka Dedejiyana Xisaabta.

63 ) Waxaad Dhahdaa Yaa idinka koriya Mugdiga Barriga iyo Badda ood u Baridaan Isduullayn iyo Qarsoodi, Idikoo dhihi Hadduu naga koriyo Tan waxaan ka mid Noqonynaa kuwa Mahadiya. 

64 )Waxaad Dhahdaa Eebaa idinka Koriya Taas iyo Shiddo kasta, Markaasaad u Shariigyeeshaan.

65 ) Waxaad Dhahdaa Eebe waa kan kara inuu idinku soo Daayo Cadaab Korkiinna ama Lugihiinna Hoostooda ama idin qaso (idinka yeelo)   Kooxo uu Dhadhansiiyo Qaarkood qaarka kale Dhibkiisa, bal day Sidaan ugu Caddaynaynno Aayaadka inay kasaan.

66 ) Waxaa Beeniyey (Quraanka) Qoomkaagii Isagoo Xaq ah, waxaad Dhahdaa kama ah korkiinna Wakiil (ILaaliye).

67 ) War kasta Meel uu ku Sugnaado yuu Leeyahay Waadna Ogaandoontaan.

68 ) Markaad Aragtaan kuwa dhumban Aayaadkanaga, isaga Jeedso intay ka Dhumbadaan Sheeko kale, hadduu ku Halmaansiiyo Shaydaan Halmaansiiyo Shaydaanna ha Fadhiyin Xusuusta ka Dib Daalimiinta Agtooda.

69 ) Kuwa Dhowrsoon Xisaabtooda waxba kaama Saarra Laakiin waa Waano inay Dhawrsadaan.

70 ) Isaga tag kuwa ka Yeeshay Diintooda Ciyaar iyo Madadaalo kuna kadsoomay Nolosha Dhaw Xusuusina intaan laga Abaalmarinin (Loa Xabisin) Nafi waxay kasbatay Iyadoon Lahayn Eebe ka sokow Wali <<Sokeeye>> iyo Shafeece midna. Hadday isku Furato Furasho oo Dhanna lagama Qaado, Kuwaasu waa kuwa loo Dhiibay (llaag) waxay kasbadeen Dartiis, waxayna Mudan Cabbid kulu iyo Cadaab Daran, Gaalnimadooda Darteed.

71 ) Waxaad Dhahdaa ma Caabudayaan Eebe ka sokow waxaan na Anfacayn Nana Dhibayn oo Dib naloo Celin (Gaalnimo) inta Eebe Hanuuniyey ka Dib, Sida kan ay ku Wareejisay (Dhumisay) Shayaadiintu Dhulka Isagoo Saaxiibbo ugu Yeedhi Hanuunka leh oo ku leh noo Kaalay, waxaad Dhahdaa Hanuunka Eebe unbaa Hanuun ah, waxaana Nala Faray inaan u Hogaansanno Eebaha Caalamka. 

MAHAD OO DHAN RABII AYAAY U SUG NAATAY 

Post a Comment

0 Comments