Latest Post

6/recent/ticker-posts

Tafsiir Quraan kariim Af somali


 










26 ) Waxayna ka Reebi Dadka rumaynta Nabiga iyaguna way ka fogaan mana halaagayaan waxaan Naftooda ahayn, mase Oga.

27 ) Haddaad aragto Marka la Joogin Gaalada Naarta Korkeeda oy dhihi Shallaytee Maa Nala Celiyo oo aanaan Beenin Aayaadka Eebahanno Noqonno Kuwa Rumeeyey (waxaad arki lahayd arrin Wayn).

28 )Waxaase U Muuqday waxay Qarinayeen horay haddii la Celiyana waxay ku Noqon Lahaayeen wixii laga Reebay waana Beenaalayaal.

29 ) Waxay dhihi wax kale ma jiro ee wuunnuu ku Noolaan Adduunyada Nalamana soo Bixiaayo.

30 ) Haaddad aragto Marka la hor Joojiyo Eebahood ku dhaho miyuuna kan xaq ahayn, oy dhahaan waa xaq Eebaan ku dhaaranaye oo uu ku dhaho Dhadhamiya Cadaabka Gaalnimadiinna Darteed (Waxaad arki arrin Wayn).

31 ) Waxaa dhab ku Khasaaray Kuwa Beeniyey la kulunka Eebe markay ugu Timaaddo Saacadda (Qiyaame) si kada ahna waxay dhahaan Shallaaytadanno waxaan ku Gabood fallay Dhexdeeda, waxayna ku Xambaari Dambigooda Dhabarkooda Waxaana Xumaanbadan waxay Xambaari.

32 ) Nolosha Adduunyana ma aha waxaan Ciyaar iyo Madadaalo ahayn Guriga Aakharaana u Khayr roon kuwa Dhawrsan ee Miyeyydaan wax kasayn.

33 ) Waxaan Ognahay inuu ku Walbahaarin waxay Sheegi Dhab ahaan kuuma Beeninayaan Laakiin Daalimiinta Aayaadka Eebe yey Diidi.

34 ) Waxaa dhab loo Beeniyey Rasuullo kaa Horreeyay waana ku Samreen wixii lagu Beeniyey waana la Dhibay intuu uga Yimaaddo Gargaarkannagu wax Bedell Hadalka Eebana ma jiro, waxaana ku soo Gaadhay Warkii Rasuuladii.

35 ) Hadday ku Wanaatay (Cuslaatay) Jeedsigoodu haddaad karto inaad God ka Teelato Dhulka ama Sallaan Samada ood Aayad u keentid (Samee) Hadduu Doono Eebana wuxuu ku kulmin lahaa hanuunka ee ha ka mid noqonin Jaashiliinta.

36 ) Waxaa uun Ajiibi Ogolaan Xaqa kuwa Maqli, kuwa Dhintayse waxaa soo Bixin Eebe Xaggiisaana loo Celin.

37 ) Waxay dhaheen maxaa loogu soo Dejin waayey <<Mucjisad>> Aayad  Xagga Eebihiis, waxaad dhahdaa Eebe waa karaa inuu soo Dajiyo Aayad Badankoodse ma Oga.

38 ) wax ka Socda Dhulka ama Shibir ku Duuli Garbahiisa oo Dhan waa umado Idinla mid ah, waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo  kulmin Dadka Xagga Eebahood.

39 ) Kuwa Beeniyey Aayadkanaga waa DhagaLa'yihiin oo Af la ' yihiin Mugdibayna ku Suganyihiin, cidduu Doono wuu Dhumiyaa Eebe Tuu Doonana wuxuu Yeela Jid Toosan.

40 ) Waxaad Dhahdaa Bal ka Warrama Hadduu idin Yimaaddo Cadaabka Eebe ma idin Timaadda Saacaddu (Qiyaame) wax Eebe kasoo hadhay Miyaad Baryeysaan haddaad Runsheegaysaan.

41 ) Isaga Unmaana Baryeysaan oo Faydi waxaad ka Baryeysaan Hadduu Doono waadna Halmaamaysaan waxaad la Wadaajinaysaan.

42 ) Waxaan u Dirray (Rasuul) Ummado idinka Horreeyay waxaana ku gabanay Dhibaato iyo Cudur intay Bayaan (Eebe).

43 ) Maa Markuu u Yimaaddo Dhibku ay baryaan (Eebe) Waxaase ingagtay Quluubtoodii wuxuuna u Qarxiyey Shaydaan waxay Falayeen.

44 ) Markay Halmaameen (ka Jeedsadeen) wixii lagu Waaniyey Yaan u Furray korkooda irridaha wax kasta Markay ku Farxaan waxaa la siiyey yaan ku qabannaa kado, Markaasay ahaadaan Quusta.

45 ) Waxaana la Gooyey Cidhibta Qoomkii Dulmiga Falay Mahadna Eebaa iska leh ah Eebaha Caalamka.

46 ) Waxaad Dhahdaa Bal Warrama Hadduu Eebe qabto Maqalkiinna iyo Araggiinna oo Daboolo Quluubtiinna waa ILaahee ka Soo Hadhay Eebe ee idiin keeni, Day Sedan u Cel-Celinno Aayaadka Markay say u Jeedsan.

47 )Waxaad Dhahdaa Bal Warrama Hadduu Idiinku Yimaaddo Cadaabka Eebe Kado ama Caddaan miyaa la Halaagaa waxaan Qoomka Daalimiinta Ahayn.

48 ) Rasuulada waxaan u Dirraa inay Bishaareeyaan oo Digaan, Ciddii Rumays Xaqa oo Wanaajiya (Camalka) Cabsi iyo Murug midna ma Saarro.

49 )Kuwa Beeniyey Aayaadkanaga waxaa Taaban Cadaab Faasiq Nimadooda Darteed.

50 )Waxaad Dhahdaa Ma Dhahayo waxaa agtayda ah  Khasnadaha Eebe, waxy Maqanna ma Ogi, mana Dhahayo waxaan ahayn Malag, waxaan uun Raaci wixii lay Waxyooday wwaxaad dhahdaa ma egyihiin Indhoole iyo Arke Miyeydaan Fikirayn.

MAHAD OO DHAN RABII AYAAY U SUG NAATAY 

Post a Comment

0 Comments