1 )Mahad Eebaa iska leh ahna kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka, Yeelayna Mugiya iyo Nuurka, kuwa Gaalloyse Eebhood yey wax la simin (la Caabudi).
2 ) Eebe waa kan idinka Abuuray Dhoobo Markaas Xukumay Ajal (Muddo) Ajal Magacaaban Yaana Agtiisa ah, idinkuse Gaalooy waad Shakisantihiin
3 ) Eebe waa ILaaha Samooyinka waxa ku Sugan iyo waxa Dhulka ku Sugan Wuxuuna Ogyahay Qarsoodigiinna iyo Muujiskiinna, wuxuuna Ogyahay, waxaad kasbanaysaan.
4 )Aayaaddii u Timaadda oo Aayadaha Eebahaa ka mid ah way ka Jeedsadaan.
5 ) waxayna Dhab u Beeniyeen Xaqii Markuu u yimid waxaase u lmaan Doona (Cadhibta) warkay ku Jees jeesayeen.
6 ) Miyeyna Arkayn intaan Halaagnay Hortood (wax badan) oo Qarniyo ah, oon ku Makaninay (siinay Dhulka waxaanaan idin Makanin (Siinin) waxaan uga soo Deeynay samad (Roob) Darar ah, Waxaana ka Yeelay Wabiyada kuwo Socda Dhexdooda waanse Halaagnay Dambigooda Dartiis waxaana Ahaysiinay Gadaashoo Qarni kale.
7 )Haddaan kugu Dajino Nabiyow Kitaab Qoran oo ay Taabtaan Gaemahooda waxay odhan kuwii Gaaloobay kani waxaan Sixir Cad aan ahayn ma aha.
8 )waxayna Dhihi maa lagu so Dajiyey Malag, Haddaad soo Dajnno Malagna waxaa la Dhamaynlahaa Amarka (Halaagga) lamana Sugeen.
9 ) Haddaan ka Yeello Malagna waxaan ka Yeeli lahayn Nin, Markaasaan Iskaga Dari Lahaydeen Xaalka siday isga Dari Jireen.
10 ) Waxaan Dhab ahaan loogu Jeesjeesay Rasuullo kaa Horreeyay waxaana kuwii Jees jeesay ku dhacay (Ciqaabti) waxay ku Jees jeeseen.
11 ) Waxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Eega Siday Noqotay Cidhibtii Beeniyeyaasha xaqa.
13 ) Waxaad dhahdaa yaa leh waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka, Dheh Eebe, wuxuuna Isasaaray Naxariis, Wuxuuna idin kulmin Maalinta Qiyaame Shakina ma leh, kuwa Khasaariy Naftoodase ma Rumaynayaan.
14 ) Waxaad Dhahdaa ma wax Eebe ka soo Hadhay yaan ka yeelan wali (la Caabudo) Eebaana ah ka Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Isagaana wax Quudiya Lamase Quudiya, waxaad Dhahdaa waxaa lay Faray inaan Noqdo kan ugu Horreeya Cid Islaamta (Hogaansanta Ummaddan) oonan ka Midnoqoninna Musharkiinta.
15 )Waxaad dhahdaa anigu waxaan ka cabsan Haddaan Caasiyo Eebehay Cadaab Maalin wayn.
16 ) Ciuddi lilo Cadaabka Maalintaas wuu u Naxariistay Eebe Taasin waa Liibaanta Cad.
17 )Hadduu ku Taabsiiyo Eebe Dhib wax Faydi ma jiro Isaga mooyee Hadduu ku Taabsiiyo Khayrna Isagaa wax walba kara.
18 )Waxaana ka Adkaadaha Addoomadiisa Korkooda waana Falsame Xeel Dheer.
19 )Waxaad Dhahdaa yaa ugu Wayn Marag waxaad Dhahdaa Eebaa Maragga Dhexdeeda ah, waxaana lay Waxyooday Quraanka inaan idiinku Digo idinka iyo cidduu Gaadho, idinku ma waxaad Marag Fureeysaan lnay Eebe la Jiraan ILaahyo kale, waxaad Dhahdaa Eebe waa uun ILaah kaliya Anuguna waxaan ka bari ahay waxaad la Wadaajinaysaan.
20 )kuwaan Siinnay Kitaabka waxay u Yaqaannaan Nabiga (Xaqnimadiisa) siday u Yaqaanan Caruurtooda kuwa Khasaariyey Naftoodana ma Rumeeyaan (Xaqa).
21 )Wax ka Dulmi Badanna ma jirto cid ku Abuury Eebe Been ama beeniya Aayaadkiisa mana Liibaanta Daalimiinta.
22 ) ka Warran Maalintaan kulmineyno (Dadka) Dhammaan Markaas aan ku Dhahayno kuwii la Wadaajiya Aaway kuwad la Wadaajiseen (Eebe Cibaadada) aadan ahaynden kuwa Sheegan (lnay wax tari)
23 ) Markaas Xujadoodii ma ahan inay Dhahaan Eebana ku Dhaarannaye Maanaan ahayn Mushrikiin (Wax la Wadaajiy).
24 )Bal day say ugu beensheegeen Naftooda ugana Dhumay waxay Been.
25 )Waxaa ka mid ah kuwa ku Dhagaysan waxayna yeelly Quluubtooda Dobool inay kasaan (Quraanka) Dhagahoodana waxaan Yeellay Culays, Hadday Arkaan Aayaad kasta ma Rumaynayaan, Markay kuu Yimaadaanna way kula Murmaan iyagoo Dhihi kuwii Gaaloobay kani (Qraanku) ma aha waxaan warkii kuwii Hore ahayn.
RABII AYAAY MAHAD OO DHAN U SUGNAATAY
0 Comments