106 )Kuwa Xaqa Rumeeyow Maragga Dhexdiinna ah Markii mid idinka mid ah Geeridu u Timaaddo uu Dardaarmi waa Labo Caadil oo idiinka mid ah, ama Labo kale oon idinka mid ahayn, markaad Socdaal Tihiin oo Geeeri idiin Hesho, idinkoo ku Reebi Salaad Dabadeed iyagoo ku Dhaaran Eebe Haddaad Shakidaan inaanan ku Gadanayn Qiimo yar Qaraababa ah ahaadee qarinna mayno maragga Eebe markaas aan noqonno kuwa Dambaabay.
107 ) Haddii la Ogaado inay Muteen Dambi waxaa Meejooda Joogsan (oo la Dhaarin) Labo kale oo ah kuwa ugu Mudnaan Badan Dhaxlkiisa, wayna ku Dhaaran Eebe inuu Maragoodu ka Xaqsanyahay Maragooda, mana Xadgudbaynno markaas aan Noqonno Daalimiin.
108 ) Saasaana u Dhaw inay Maragga ula Yimaadaan Sidiisa Fiican ama ay ka Cabsadaan ina la Diido Dhaartooda intay Dhaartaan ka Dib, ee ka Dhawrsada Eebe maqlana Eebana ma hanuuniyo qoom Faasiqiina.
109 ) (Ka warran) Maalintuu kulmin Eebe Rasuulada kuna dhihi Maxaa Laydiinku Jawaabay oy Dhi ma Ogin adiga unbaa Ogaal Badan waxa Maqan
110 ) (Xusuuso) Markuu Eebe dhihi Ciise binu Maryamow Xusuuso Nicmadaydii korkaaga ahayd iyo Hooyadaaba Markaan kugu Xoojinay Ruuxii Daahirka ahaa (Jibriil) ood kula Hadlaysay Dadka sariir-ilmood iyo adoo meel Dhaxaadda, iyo Markaan ku Baray Kitaabka iyo Xigmadda, iyo Tawreed, Injiil, iyo Markaad ka Yeelaysay Dhoobada Sidii Shimabir Idikayga ood Afuufaysay oy Noqonaysay shimbir Idankayga, ood Bogsiinaysay indhoole Ku Dhashe iyo Baras laha Idankayga, ood soo Bixinaysay Maydka ldankayga, Markaan kaa kaafiyey Banii'Israa'iil Markaad ula Timid Xujooyin, oy Dhaheen kuwii Gaaloobay oo ka mid ah kani waxaan Sixir ahayn ma aha.
111 )Makaan u Waxyooday (kulLhaameeyey) Saaxiibadii Rumeeya aniga iyo Rasuulkayga oy dhaheen waan Rumeynay ee marag ka Noqo inaan Muslimiin nahay.
112 ) (Xusuuso) Maraay Dhaheen Xawaariyiintii Ciise Ibnu Maryamow Markaa Eebahaa inuu nooga soo Dajiyo Xeedho (Cunno) Samada Wuxuuna yidhi ka dhawrsada Eebe haddaad Mu'miniintihiin.
113 ) Oyna Dhaheen waxaanu Diini inaan wax ka Cunnno oy Xasisho Quluubtoodu oona Ogaanno inaad run noo sheegi oonu Noqonno kuwa ka marag kaca.
114 ) Uun Yidhi Ciise Binu Maryama Ilaahayow Eebahanow Nooga soo Daji Xeedho Samadu u Noqota Ciid kaanaga hore iyo kaanaga hore iyo kaanaga Dambe iyo Aayad Xaggaaga ka ahaatay Nana Arzaaq adaa arzaaqe u Khayr roone.
115 )Wuxuuna Yidhi Eebe waan ku soo Dajin korkiinna ee Ciddii ka Gaaloowda ka Dib oo idin ka mid ah waxaan Cadaabi Cadaab aanan Cadaabayn Ruux Camalmka ka mid ah.
116 ) (Xusuuso) Markuu Yidhi Eebe, Ciise Ibnu Maryamow Ma adaa ku Yidhi Dadka ka Yeesha ani iyo Hooyaday Ilaahyo Eebe ka sokow, uuna Yidhi waad Nasahasahntahay Isugum Haboona inaan Dhaho waxaanan Xaq u Lahayn, Haddaad idhna waad ogtahay, waxaana Ogatahay waxa Nafayda ku Sugan Anuguse kuma Ogi Adiga unbaa ah kan waxa Maqan Og.
117 ) kuwa Dhihin Waxaad I fartay waxaan ahayn, oo ah Caabuda Eeba hay iyo Eebihiin waxaana ku ahay marag intaan ku Noolahay Dhexdooda markaad I oofsatana adaa ILaaliye u ah adi Umbaana wax walba Marag u ah.
118 ) Haaddad Cadaabto waa uun addoomaadii, Haddaad u Dhaaftana adi umbaa Adkaade Falsan ah.
119 ) Wuxuu Yidhi Eebe Kani (Maanta) waa Maalinta ay Anfici kuwa Runta Sheega Runtoodu, waxaana u Sugnaaday Jannooyin oy Socota Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku waari Dhexdeeda Waligood waxaana ka Raalli Noqday Eebe Iyana way ka Raalli Noqdeen, Taasin waa Liibaanta wayn.
120 ) Eeba iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa ku Dhex Sugan Eebana wax kasta (uu Doono) wuu karaa.
MAHAD OO DHAN RABII AYAAY U SUG NAATAY
0 Comments