Latest Post

6/recent/ticker-posts

Tafsiir Quraan kariim Af somali









 86 )Kuwa Gaaloobay oo Beeniyey Aayaadkanaga kuwaasu waa Jaxiimo Ehelkeeda,

87 ) kuwa xaqa Rumeeyow ha Xarrimina Wanaagga (Xalaasha) Eebe Idiin Banneeyey Han Xadgudhina, Eebe ma Jeela kuwa Xad Gudbee.

88 ) Waxna ka Cuna wuxuu Idinku Arzaaqay Eebe isagoo Xalaal Fiican ah kana Dhawrsada Eebe ee ah kad Rumeentiina.

89 ) Eebe Idiin ma qabto Dhaar DanLa'aaneed (Laqwi) Laakiin Wuxuu Idiin qaban Dhartaada u Qasaddaan, Kafaaradeeduna waa Quudin Toban Maskiin (oo siisaan) kan u dhexeeya waxaad ku quudisan Ehelkiina ama Arrad Bixintooda ama Xorayn Qoor, Ciddaan Helinna waxay Soomi Saddex maalmood, Taasaana ah kafaarada Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra Dhaartiina Markaad Dhaarataan, ee dhawra Dhaartiinna Saaduuna idiiku caddayn Eebe Aayaadkiisa, waxaadna, Mudantihiin inaad ku Mahdisaan.

90 ) kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka Sanamyada <<Taagan>>, iyo faalku waa uun Xumaan (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Fogaada inaad Liibaantaan.

91 ) wuxuu uun dooni Shaydaanku inuu ldinku Dhectuuro Colnimo iyo isac Khamrada iyo qamaarka idinkaana Celiyo Xusidda Eebe iyo Salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga).

92 ) Adeeca Eebe Adeecana Rasuulka Digtooniddoda, Haddaadse Jeedstaan Ogaada waxaa uun Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin cadi.

93 ) Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen  hadday Dhawrsadaan ooy xaqa dhab u rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay samo Falayaasha.

94 ) kuwa xaqa Rumeeyow wuxuu Idinku Imtixaami Eebe wax Ugaadha ka mid ah (Waqtiga Xajka) oo Gaadhayaan Gacmihiinnu iyo warmahiinnu in Eebe Muujiyo Cidda ka Cabsata isgoo kali ah, Ciddiise xad gudubta intaas ka Dib wuxuu Mudan Cadaab Daran.

95 ) Kuwa xaqa Rumeeyow ha Filina Ugaadha idinkoo xarman, Ciddiise Disha oo idiinka mid ah si Kas ah waxaa Saaran wuxuu Dilay wax la mid ah oo Xoolo ah oy Xukumi Labo Caadil ah oo idiinka mid ah isagoo ah Hadiyad Gaadhi Kacbada, ama karaaro gud Quudin Masaakiin ama wax u Dhigma oo Soo  ah inuu idinka Saamaxay Eebe wixii Horreeyay Ciddiise ku Noqota wuu ka aarsan Eebe,   Ilaahayna waa Adkaade Aarsada.

96 ) Waxaa Laydiin Baneeyey Ugaadhsiga Badda iyo Cunnadeeda idinkoo ku intifaaci iyo Socdaalba, (Idinkoo xarman) waxaana Laydiinka Reebay ka Ugaadshiga Barriga intaad Xarmantihii, ka Dhawrsada Eebaha Xaggiisa Leydiin soo kulmin. 

97 ) Wuxuu ka Yeelay Ilaahay Kacbada Bayd (Guriga) Xurmada leh iyo Hadyada iyo Tan la Calaameeyey, (Hadyada Darteed) waana inaad Ogaataan in Eebe Ogyahay waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka iyo in Eebe wax kasta Ogyahaya 

98 ) Ogaad in Eebe Ciqaabtiisu Darantahay Eebana Yahay Dambi dhaafa Naxariista.

99 ) Ma Saarra Rasuulka waxaan Gaadhsiin ahayn, Eebana waa ogyahay waxaad Muujinysaan iyo waxaad qarinaysaan.

100 ) Waxaad dhahdaa (Nabiyow) ma eka wax xun iyo Wax Fiican Aadba la yaabtid Badnida kan Xune, kana Dhawrsada Eebe Dadka Caqliga lahow inaad Liibaantaan.

101 ) Kuwa xaqa Rumeeyow ha warsanina waxyaalo Haddii Laydin Muujiyo idin Murug Galin, Haddaana warstaan marka Quraanka la soo Dajin waa Laydiin Muujin, wuuna idinka Cafiyey Eebe Xaggeeda Ilaahayna waa Dambi dhaafe Dulbadan 

102 ) Waxa Warsaday Qoom idinka Horeeyay markaasay Noqdeen kuwo ka Gaalooba (Markii loo Muujiyey.

103 ) Ma Yeelin Eebe Xoolaha Caanahooda Sanamyada loo bixiyo (Baxiira) iyo Xoolo Sanamyada loo siidaayo (Saa'ibo) iyo Xoolo Dhadig oo Sanamyada lagu sadaqaysto (Wasiilo) iyo Riri Sanamyada loo daayo (xaam) Laakiin kuwii Gaaloobay waxay ku Been abuuraan Eebe Been, Badankoodna. Wax ma kasayaan.

104 ) Marka loo Yidhaahdo u Kaalaya waxa Eebe soo Dajiyey iyo Xagga Rasuulkana waxay dhahaan waxaa nagu Filan waxaan ka Hellay Aabayaalkood ayan wax Ogayn Hanuunsanaynna (Ma raacayaan).

105 )Kuwa xaqa Rumeeyow waxaa idin Saaran Naftiinna Idinma Dhibo Ciddi Dhunta Haddaad Hanuunsantaan, Xagga Eebe Umbaana Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idinka warrami waxaad Camal Falaysaan.

Post a Comment

0 Comments