48 ) waxayna kugu Soo Dejiyay Kitaabka Xaqa Isagoo Rumayn wixii ka Horeeyay oo Kitaab ah, Isagoo marag iyo ILaaliye u ah, ee ku kala Xukun Dhexdeeda wuxuu soo Dajiyey Eebe hana ka Raacin Hawadooda waxa kuu oo Xaq ah, Dhammaan waxaan u Yeellay Shareeco iyo waddo hadduu Doono Eebana wuxuu idinka Yeeli Umad Kaliya, Laakiin wuu idinku Imtixaami wuxuu idin Siiyey ee u Tartama Khayrka, Xagga Eebe yey Noqoshadiinu tahay Dhammaan wuxuuna idinka warrami waxaad isku Diidanaydeen.
49 ) Ku kala Xukun Dhexdooda wuxuu soo Dajiyey Eebe, hana Raacin, Hawadooda, kana Digtoonow inay kaa Fidmeeyaan waxa Eebe kugu soo Dajiyey Qaarkiis, hadday Jeedsadaanna Ogow in Eebe la Doonayo inuu ku Aassi ibo (Ciqaabo) Dambigooda Qarkiis, wax badan oo Dadka ka mid ahan Faasiqiin.
50 ) Ma Xukunka Jaahiliyad yey doonayaan, yaa ugu Fiican Eebe xukunkiisa Qoomka wax Yaqiinsan (Rumeysan).
51 ) kuwa xaqa Rumeeyow ha ka yeelinana Yuhuudda iyo Nasaara Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (kale) Ciddi ka Sokeeya Yeelata oo idiinka mid ah wuxuue ka midyahay Iyaga, Eebe ma Hanuuniya Qoomka Daalimiinta ah.
52 ) Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka Buka (Mu'miniinta) oo u Degdagi Dhexdeeda, iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan inay nagu Dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u dhawdahay in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) xaggiisa ah Markaas ay ahaadaan kuwo waxay u Qarsanayeen Naftooda (oo Gaal jacayl ah) Qoomameeya.
53 ) waxay Odhan kuwii Rumeeyey (Xaqa) ma kuwaasaa kuwii ku Dhaartay Eebe Dhar Adag inay Idila jiraan, waxaa Hoobtay Camalkoodii waxayna ahaaden kuwo Khasaaray.
54 ) Kuwa xaqa Rumeeyow Ruuxii ka Ridooba Diintiisa oo idiinka mid ah, wuxuu Eebe keeni qoom uu Jecalyahay iyana Jecel unaxarista Mu'miniita kuna Daran Gaalada, kuna Jahaadi Jidka Eebe oo na Cabsanayn Canaanta Canaante Taasina waa Fadliga Eebe wuxuuna Siiyaa Cidduu doono, Eebana Deeq badane Og.
55 ) Waligiinnu waa uun Eebe iyo Rasuulkiisa iyo kuwa Rumeeyey (Xaqa) Ooga Salaadda oo Bixiya Zakada oo Rukuuea.
56 ) Ciddi ka Waliyeelata Eebe iyo Rasuulkiisa kuwa Rumeeyey Xaqa Xisbiga ILaahay Umbaa Adkaan.
57 ) kuwa xaqa Rumeeyow ha ka Yeelinina kuwa Kuwa ka Yeeshay Diinta Jees Jees iyo Ciyaar oo ah kuwa Ehelu Kitaabka ah Idinkana Horeeyay iyo Gaalada Sokeeye, kana Dhawrsada Eebe haddaad Tihiin Mu'miniin.
58 ) Markaad ugu Dhawaaqdaan Salaaddana waxay ka Yeeshaan Jees Jees iyo Ciyaar, waxaana Arrintaas ugu Wacan inay Yihiin Qoomaan waxkasayn.
59 ) waxaad Dhahdaa Ehelu Kitaabkow Miyaad Noogu Cadhoonaysaan inaan Rumaynay Eebe iyo waxa naloo soo Dajiyey iyo wixii la Dajiyey horay mooyee, Badankiinnu waa Faasiqiin.
60 ) Waxaad dhahdaa maydika warramaa waxa ka Sharbadan Arrintaas abaal Marinta Eebe Agtiisa waa Eebe Nacladnay una Cadhooday kana Yeelay Daanyeerro, Doonfaarro iyo Shaydaan Caabude, Kuwaasay shar badantahay Meejoodu kana Dhumid badan Jidka Toosan.
61 ) Hadday idiin Yimaaddaan waxay Dhahaan waan Rumynay (Xaga) iyagoo la soo Galay Gaalnimo, lana Baxay, Eebana waa Ogyahay waxay Qarin.
62 ) Waxad Arkaysaan wax Badan oo ka mid ah oo u degdegi Dambiga iyo Colnimada iyo cunidda Xaaraanta, waxaa Xumaan Badan waxay Fali.
63 ) Waxaay Tidhi Yuhuuddu Gacanta Eebe waa Laabantahay, ha lallaabo Gaemahoodu hana La naclado hadalkay Dheheen Dartiis, saas ma aha ee waxay ku Fidsanyihiin Khayrka (Dee badane) wuxuuna u Nafaqeeyaa Siduu Doono, wuxuuna u kodhin wax badan oo iyaga ka mid ah waxa lagaaga soo Dajiyey Eebahaa Xad gudub iyo Gaalnimo, waxaana ku Dhex tuuray Col iyo Cadho tan iyo Qiyaame, mar kastooy huriyaan dab Dagaalna waxaa Bakhtiiya Eebe, waxayna la Soedaan Dhulka Fasaad, ILaahayna ma Jeela kuwa wax Fasaadiya.
64 ) Hadday Ehelu Kitaabku Rumeeyee yaan xaqa ooy Dhawrsadaan waxaan ka Asluri Iahayn Xagooda Xumaantooda waxayna Galinlahayn Jannada Nimco.
65 ) Hadday ku Camal falaan Tawreed, iyo Injiil, iyo waxa looga soo Dajiyey Xagga Eebahoodna waxay ka cuni lahaayeen korkooda iyo hoostooda, <<barwaaqo>> waxaa ka mid ah Umad Dhex dhaxeeysa wax badan oo ka mid ah ahna waxaa Xun Waxay Fali.
0 Comments