27 ) kuwa akhir korkooda warka Labadii wiil ee Ilmo Nabi aadam ahayn si dhab ah, Markay dhaweeyeen (Sadaqaysteen) Sadaqo oo laga Abalay Midkood Lagana aqbalin kii kale, oo yidhi waan ku Dili uu Yidhi (kii kale) wuxuu uun Eebe ka Aqbalaa kuwa Dhawrsada.
28 ) Haddaad u soo Fidiso Xaggayga Gaentaada inaad i disho anigu kugu Fidin maayo gaeanta inaan ku dilo Anugu waxaan ka cabsan Ilaahay ee ah Eebaha Caalamka.
29 ) Waxaana Dooni inaad la noqoto Dambigayga iyo kaagaba ood noqoto Naarta Ehelkeeda Taasin waa Abaalka Daalimiinta.
30 ) Markaasay u qurxisay Naftiisa Dilka Walaalkiis Wuuna Dilay wuxuuna noqday kuwa Khasaaray.
31 ) Wuxuuna Eebe u bixiyey (Muujiyey) tuke Faadhi Dhulka inuu Tusiyo siduu u Asturo Maydka Walaalkiis, wuxuuna yidhi Shalaytee miyaan ka cajisay inaan noqdo Sida Tukahan oon Asturo Maydka Walaalkay wuxuuna ahaaday mid Qoomamooda.
32 ) Saas Darteed yaan ugu Jidaynay Banii-Israa'iil Cidii Disha naf aan (Dilin) Naf ama Fasaadin Dhulka waxay la mid tahay inuu Dilay Dadka dhammaan, Ciddii Nooleeysa Nafna (Korisa) waxay la mid tahay isgoo Nooleeyey Dadkoo dhan, waxay ula Timid Rasuuladanadii Xujooyin markaas in Badan oo ka mida Intaas ka Dib Dhulkaay ku xadgudbeen.
33 ) Abaalka kuwa la Dagaalamaan Eebe iyo Rasuulkiisa oo la Socoda Dhulka Fasaad waa in la Dilo ama la wadho, ama loo gooyo Gacmahoodu iyo Lagubooda isdhaaf, ama laga Fogeeyo Dhulka, Arrintoodaasna waa inay Mudanyihiin Dulli Adduun iyo Aakhiro oo Cadaab Wayna.
34 ) Kuwa Toobaad keena qabasho ka hor mooyee Ogaadana in Eebe Dambi dhaafo oo Naxariista.
35 ) kuwa (Xaqa) Rumeeyow ka dhawrsada Eebe una Doona Xaggiisa Dhawaansho kuwa Jahaada jidkiisa waxaad u dhawdihiin inaad Liibaantaane.
36 ) kuwa Gaaloobay hadduu u ahaada waxa Dhulka ku Sugan oo dhan iyo wax la mid ah inay iskaga Furtaan Cadaabka Maalinta Qiyaame lagama Aqbalee waxayna Mudan Cadaab Daran.
37 ) waxay Dooni inay ka soo Baxaan Naarta kamana baxaan Xaggeeda waxayna Mudan Cadaab jogta ah.
38 ) Tuugga iyo Tuugadda Gooya Gaemahooda Abaalmarin waxay kasbadeen Darteed waana Xanuujin Eebe ILaahayna waa Adkaade Falsan.
39 ) Ciddiise Toobad keenta Dulmigiisa ka Dib oo Fiienaada Ilaahay wuu ka Toobad Aqbali, Eebana waa Dambi dhaafe Naxariista.
40 ) Miyaadan Ogayn in Eebe u sugnaaday Xukunka Samooyinka iyo Dhulka uuna Cadaabi Cidduu doono, waana u Dambi dhaafi Caddu la doono Ilaahayna wax kasta wuu karaa.
41 ) Rasuulow Yeyna ka Walbahaarin kuwa ku Dag dagi Gaalinmada oo ah kuwa ku Yidhi Afkooda waan Rumynay ooyna Rumayn Quluubtooda, iyo kuwa Yuhuudoobay waxay maqli ogahiin Beenta waxayna maqli ogahiin qoom kale oon kuu Imaanin waxayna ka leexiyaan kalimooyinka Meelaheeda (Dhabta) waxayna Odhan haddii laydinsiiyo kan (Leexsan) qaata haddaansen laydin siinin ka Digtooniddoda, Ruuxuu Doono Eebe Ibtilyntiisa waxba ugama hanatid Eebe waxba, kuwaasina waa kuwa Eebe la Doonin inuu Daahiriyo Quluubtooda, waxayna Mudan adduuka Dulli Aakharana waxay Mudan Cadaab wayn.
42 ) Waxay Maqli Ooyhiin Beenta waxayna Cunid Badanyihii Xaaraanta hadday kuu yimaadaan kala xu kun Dhexdooda ama ka Jeedsohaddaad ka jeestaan wax kaama dhibaan haddaad kala xukuntan Caddaalad kukal xukun Eebe wuxuu Jecalyahay caadiliintee.
43 )Siday kuugu Xukuntami Iyadoo Agtooda yahay Tawreed oo Xukunkii Eebe ku Yaal markaasna ay ka Jeddsan intaas ka Dib kuwaasi ma aha Mu'miniin.
44 ) Anagaa soo dajinay Tawreed oo dhexdeeda ku Suganyahay Hanuun iyo Nuur, oyna ku xukumayeen Nabiyadii u Hogaansamaany Eebe kuwii Yuhuudoobay, waxaana Xukumi Jiray madaxii iyo Culimadii wixii laga inay Ilaaliyaan oo Kitaabka Eebe ahm waxay ku ahaayeen oo Kitaabka Eebe ahm waxay ku ahaayeen Markhaati ee ha ka Cabsanina Dadka ee iga Cabsada ani, hana ku Gadanina Aayaadka Lacag (Qiimo) Yar. Ciddaan Xukumina wuxuu soo Dajiyey Eebe kuwaasi waa Gaalo uun.
45 ) waxaan ku Faralyeelay korkooda in Naarta Sanka, Dhagtan dhagta, ILigana'ILga, Nabaradana waa lesku Qisaasa, Ciddii iska sadaqaysata ( Samaxda) waxay u Noqon kafaaro (Dambi Dhaaf) Cidaasne Xukumin wuxuu soo Dajiyey Eebe kuwaasi waa Daalimiin uun.
46 ) waxaayna Raacsiinay Raadkoodii Ciise Ibnu Maryam isgoo Rumayn, wixii Hortiisa ahaa oo Tawreeda, waxaana Siinay Injiil oo Hanuun iyo Nuur ku Suganyahay, una Rumayn wixii ka Horeeyay oo Tawreeda Hanuun iyo waanana u ah kuwa Dhawrsada.
47 ) Ila Xukumeen Ehelka Injiil wuxuu ku soo Dejiyay Eebe Dhexdiisa, Cidaan Xukumin wuxuu soo Dajiyey Eebe mid Faasiq ah uun.
MAHAD OO DHAN WAXAY USUGNAATAY ALLAH
0 Comments