1 ) kuwa (Xaqa) Rumeeyow Oofiya Ballanka,
waxaa Laydiin Baneeye Xoolaha Nicmoolayda
waxa laydinku Aharin korkiina mooyee idinkoon
banaysanayn Ugaadshiga idinkoo xarman Eebana wuxuu Xumaan wuxuu Doona
2 kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha banysanina
Calaamooyinka Eebe (waxa reeeban) iyo Bisha
Xurmeeysan ayu Hdyada iyo Midda loo luqun
xidhay (Hadyada Badka) iyo kuwa u qasdi Baydka
Xurmeeysan, iyagoo Dooni Fadliga Eebahood iyo
raali ahaanshihiisa, markaad xalaaloowdaanna
(Dhameesaan Xajka iyo cumrada) ugaadhasada
(hadaad Doontaan) yeyna idin ku xabaarin
Cadhada Qoom idinka celiyey Masaajidka
Xurmeeysan inaad xad gudubtaan, Isugu
kaalmeeya Samaha iyo Dhowrisga hana iskugu
kaalmeeyenina Dambi iyo Colnimo, kan
Dhawrsada Eebe Ilaahay way daratahay ciqaabtiisu.
3 ) waxaa laydika Xarrimay Bakhtiga iyo Dhiigga
iyo Hilibka Doofaarka iyo wixii lagu Xuso (Lagu
Gawraco) waxaan magaca Eebc ahayn, iyo tii ln
Caajiyo, iyo la Ganac gooyo, iyo Middu Cunay
bahal, wuxaud Gawracdaan mooyee (waxaa
kaloo reeban) wixii lagu Gawraco Sanam, iyo
inaad ku Nasiib Doontaan Faal, kaasi, waa Fisqi,
maantaan idiin kaamilay (Dhameeyey) Diintiinna
waxaana idiin Taamyeelay korkiinna
Nacmadayda waxaana idinka Raalli noqday Islaamka Diin
ahaan, Ciddi loo dhibaateeyo Baahi inay Canaan
wixii laga xaaraameeyey oon Falan Dambi dhaafa Naxariistiisa.
4 ) waxay ku warsan maxaa loo Xalaaleeyey
waxaad dhahdaa waxaa Laydiin xallilya
Wanaagga ( Xalaasha) iyo waxaad wax barten oo
wax Dhaawaca idinkoo ku ugaadhsan, ood
baraysaan wuxuu idin baray Eebe ee ka cuna
waxay idiin qabtaan ku Xusan Magaca Eebe
kana Dhawrsada Eebe, Ilaahay waa deg degtaa Xisaabtiisu.
5 ) Maanta waxaa Laydiin Xalaaleeyey Wanaagga
Canada kuwa la siiyey Kitaabna xalaalbuu idin
yahay, Cunadiinuna Xalaalbay u tahay, iyo kuwa
Dhowrsoon oo Mu'miniindka ah (Guurkooda)
iyagoo Dhawrsoon oon Xumaan (Zino) Samaynayn
Yeelanaynna Saaxiibbo (Xun) Ciddi ka Gaaloowda
Iimaanka wuu Hoobtay Camalkiisu wuxuusan ka
mid noqon Aakhiro kuwa khasaaray
6 ) kuwa (Xaqa) Rumeeyow Haddaad u kacdaan
Salaadda Dhaqa Wajiyadiinna, iyo gacmahiina
tan iyo anqawyada Haddaad Jahannamo qabata
is daahiriinya Haddaad bukutaan ama safrtahiin
ama ka Timaaddan kortag ama Istabataan haween
Oydaan helayn Biyo ku Gagabaysta shul daahir
kuna Masaxa wajigiina iyo gacmahiina, idin lama
doonaayo Eebe inuu isin yeelo korkiina dhib wuxuuse dooni inuu idin Daahiriyo inaad Shugridaan Darteed
7 ) xasuusta Nicmada Eebe Ballankiisa uu idiin
kula Ballamay Markaad Dhahdeen waan Maqalay
waana adeecnay kana Dhawrsada Eebe ILleen
ILaahay waa Ogyahay waxa Laabta ku Sugane.
8 ) kuwa (Xaqa) Rumeeyow Noqda kuwa Istaaga (u
Darban) dar Eebe oo ku marag kaca Caddaalad
yeyna falin, Caddaalad fala iyadaa u dhaw
Dhowrsashada (Eebe) kana Dhawrsada Ilaahay,
Eebe waa ogyahay waxaad Falaysaan.
9 ) waxuu u Yaboohday Eebe kuwa Rumeeyey
(Xaqa) oo falay Camal Fiican inuu u sugnaaday
Dambi dhaaf iyo Ajir wayn.
10 ) kuwa Gaaloobay ee Beeniyey Aayaadkannaga
kuwaasu waa Asaxaabta (Ehelka) jixiimo.
11 ) kuwa (Xaqa) Rumeeyow Xasuusta Nicmada
Eebe korkiinna markay Hamiyeen <<dooneen>>
qoom inay idinku Fidiyaan (Xumaan)
Gacmahooda oo (Eebe),Ilaahayna ha tala Saarteen Mu'miniitu.
12 ) Dhab ahaanbuu u Qaaday Eebe Ballanka
Banii'Israa'iil, waxaana ka Bixinay Xaggooda Lobo
iyo toban Madax ah, wuxuuna yidhi Eebe anagu
waan idin la jiran Haddaad Oogtaan Salaadda oo
bixisaan Zakad ood Rumeeysan Rasuuladayda,
ood una Gartaan oo amaah gashataan Eebe amaah
(Sadaqo) Fiican waxaan ka Asturi Xaggiinna
Xumaanta waxana idin galin Jannooyin ay Dureeri
Dhecdeeda Wabiyaal Ruuxii Gaalooba itaas ka Dib
oo idin ka mid ah wuxuu ka dhumay Jidka Toosan.
13 ) Burintooda Ballankooda (Yuhuudda) yaan u
Lacanday kana Yeellay Quluubtooda mid Ingagan,
iyagoo ka Leexin Kalimada meejeeda waxayna
halmaameen qeyb ka mid wixii lagu waniyey
kaman waydid Xaggooda inaad ku aragtid
Khayaamo wax yar mooyee ee iska Cafi iskana
Saamax Eebe wuxuu Jecalyahay samo Falayaashee.
14 ) kuwa Yidhi waxaan nahay Nasaara waxaana
ka qaadnay Ballankooda waxyna halmaameen
qeyb wixii lagu Waaniyey, Markaasan ku sii
daynay Dhexdooda Colnimo iyo Cadho Tan iyo
Maalinta Qiyaame, wuuna uga warami Eebe waxay Samaynayeen.
15 ) Ehelu Kitaabkow waxaa idiin Yimid
Rasuulkannaga oo idiin Caddayn wax badan ood
ahaynden kuwo ka qariya Kitaabka (Tawreed)
wuxuuna idinka Cafiye wax badan, waxaana
idinka Yimid Xagga Eebe Nuur iyo Kitaab Cad.
16 ) Uuna ku Hanuuniya Eebe Ruuxii Raaca Raalli
ahaanshihiisa Jidka Eebe Nahadgalyada kana
bixin Mudiyada Xagga Nuurka Idikiisa kuna hanuunin Jidka Toosan.
17 ) waxaa Gaaloobay kuwa Yidhi Eebe waa uun
Masiix Ibnu Maryam, yaa uga Hanan Eebe waxab
hadduu doono inuu Halaago Masiix Ibnu Maryam
iyo waxa Dhulka ku Sugan Dhammaan, Eeba iska
leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa u
dhaxeeya, wuxuuna abuura wuxun Doono Eebana wax kasta wuu karaa.
18 ) waxay dhahaan Yuhuudda iyo Nasaaraba
anagu waxaan nahay Caruur Eebe iyo Juwuu
Jecalyahay waxad dhahdaa muxuu idiinku
Cadaabaa dambigiinna saas ma aha ee waxaad
Tihiin Dadka Eebe Abuuray, wuu u Dhaafe Cidduu
doono, Eebana waxaa u sugnaaday Xukunka
Samooyinka, iyo Dhulji iyo waxa u Dhaxeeya Xagiisaana loo ahaan.
19 ) Ehelu Kitaabkow waxaa idiin Yimid
Rasuulkanagii isgoo idin caddeyn Muddo (Kadib)
rasuulada inaydaan dhihin nooma Imaan
Bishaareeye iyo Dige, Eebana wax kasta wuu karaa.
20 ) (Xusuuso) Markuu ku yidhi (Nabi) Muuse
Qoomkiisa, Qoomkeeygow Xusuusta Niemada
Eebe ee korkiinna markuu yeelay Dhediinna
Nabiyow idinkana yeelay Xukaam idinsiiyeyna
waxaan la siin Cid Caalamka ah, (Waqtigiinnii).
21 ) Qoomkeeygow gala Dhulka la Daahiriyey oo
idiinyaboohay Eebe hana u noqonin gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo kashaaray.
22 ) waxay dhaheen Muusow waxaa (Dhulka)
Dhexdiisa ah qoom darn mana galayno intay ka
baxaan Xaggeeda hadday ka baxaanna waanu gali.
23 ) waxay dhaheen Lobo Nin oo ka mid ah kuwa
ka cabsada (Eebe) una Niemeeyey Eebe uga gala
albaabka Markaad gashaan Haddaad Mu'miniin tahiin.
24 ) waxay Dhaheen Muusow anagu ma galayno
Waligeed intay joogaan ee taga adiga iyo Eebaha
oo la dagaalama anagu halkanaan Fadhiyeynaaye.
25 ) wuxuu yidhi (Nabi) Muuse Eebow ma ahanto
Naftayda iyo Walaalkay mooyee ee nakala Bixi
(Xukun) Dhexdannada iyo Qoomka Faasiqiinta ah (Xun).
26 ) (Eebe) wuxuu dhihi iyadu <<Dhulka>> waa ka
xaaraan korkooda Afartan Sano oy ku wareeri
Dhulka ee haw Murugoon Qoomka Faasiqiinta ah.
WAXAAY MAHAD OO DHAN
U SUGNAATAY ALLAH
0 Comments