141 ) Oo ah kuwa udu la Suga (dhibaato) hadduu
gargaar Xagga Eebe idinka ahaado waxay dhihi
miyaanaan idila jirin, hadduu Gaalada u sugnaado
nassibna waxay dhahaan miyaanaan idin
adkeynin oonaan idinka reeebin Mu'miniita,
Eebaa xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaame,
mana ugu yeelayo Eebe Gaalada Mu'miniita korkooda waddo.
142 ) Munaafiqiinta waxay dhagri Eebe (isku dayi)
isna wuu dhagri (oo abaal marin) markay u
istaagaan Salaaddana way istaagaan iyagoo
wahsan, oo is tusi Daka mana xusaan Eebe wax yar mooyee.
143 ) waxayna ku noqnoqon (wareeti) arrintaas
dhexdeed kuwaasina lama jiraan kuwaana lama
jiraan, Cidduu Dhumiyey Eebe uma heshid Waddo (eid hanuunin).
144 ) kuwa (Xaqa) Rumeeyow ha ka yeelinana
Gaalada Sokeeye Mu'miniita ka sokow, ma waxaad
doonaysaan inaad isugu yeshaan Eebe korkiinna Xujo Cad (inuu idin ciqaabo).
145 ) Munaafiqiinta waxay ku Sugan dabaqa hoose
ee Naarta umanheshid gargaare.
146 ) Kuwa Toobadkeenana ee wanaanjiya
camalka, oo isku dhawra Eebe, oo u kali yeela
Duintooda (Cibaadadooda) Eebe kuwaasi waxay la
jiri Mu'miniita, wuuna siin doonaa Eebe Mu'miniita Ajir wayn.
147 ) muxuu ku fali Eebe Cadaabkiina haddaad
mahadisan ood rumeesan, Eebana waa mahdiye waana oge.
148 ) ma jeela Eebe in lala Qaylio Xumaan oo
Madal ah Ruux la dulmiyey mooyee Eebana waa Maqle og.
149 ) Haaddad muujisaan Khayr ama qarisaan ama
cafidaan Xumaan Eebana waa dhafe kara.
150 )kuwa ka Gaalooba Eebe iyo Rasuulkiisa oo
dooni inay kala (Bixiyey) Eebe iyo Rasuulkiisa oo
odhan waxaanu Rumayn qaar waana Diidi qaar oo dooni inay ka yeeshaan Arrintaas dhexdeed waddo.
151 ) kuwaasi iyaga umbaa Gaalo dhab ah,
waxaana u darabnay Gaalada Cadaab wax Dulleeya.
152 ) kuwa Rumeeyey Eebe iyo Rasuulkiisa oon
kala bixinin Cid kan mid ah kuwaas wuu
siindoonaa (Eebe) Ajirkooda, Eebana waa dhafe Naxariista.
153 ) waxay ku warsan Ehelu Kitaabka inaad kaga
soo Dejiso kitaab Xagga samad, dhabahaan yey u
warsadaan (Nabi) muuse wax ka wayn kaas
waxayna dhaheen oo tusi Eebe si Cad waxana
qabatay Qaylio (daran) Dulmigooda dartiis
waxayna yeesheen Dibi intay u Timid Xujooyin,
waana ka cafinay Arrintaas waxana siinay Nabi muuse Xujo Cad.
154 ) waxaan koryeellay (Buurta) Dhur
Ballankoodii dartiis waxaana ku nidhi ka gala
irridda idinkoo Sujuudsan, waxaana ku nidhi ha
ku xadgudhina Sabtida waxaana ka qaadnay Ballan adag.
155) (Waan Lacanday) Burintooda Ballankooda
iyagoo Gaaloowgooda Aayaadka Eebe iyo u
Dilidda Nabiyada xaqdarro iyo Hadalkooda
Quluubtoodu way daboolantahay, saas ma aha ee
waxaa Daabacay (daboolay) Eebe Gaalnimadooda Darteed mana Rumeeyaan wax yar mooyee.
156 ) iyo Gaalnimadooda Darteed iyo Hadalkooda Maryam oy ku been abuurteen.
157 ) iyo Hadalkoodii ahaa anagaa Dillay Masiix
Ciise Ibnu Maryam Rasuulkii Eebe ahaa mayna
Dilin mana Wadhin laakiin waa loo Shabahay,
(ekeysiiyey). Kuwii isku Khilaafay Ciise waxay
kaga Sugan Yahiin shaki, wax Cilmi ahna uma leh oon ahayn Raacid Male umana dilin dhab.
158 ) Saas ma aha ee waxaa u koryeelay xaggiisa Eebe, Ilaahayna waa Adkaade Falsan.
159 ) Ehelu Kitaabka kasta wuu rumeyn Ciise
Geeridiisa ka hor, Maalinta Qiyaamana wuxuu ku noqo korkooda Markhati.
160 ) Dulmi kuwii Yuhuudoobay dartiis yaan uga
Reebnay korkooda wanaaga loo xalaaleeyey iyo ka cilintood jidka Eebe wax badan.
161 ) iyo Qaadashadooda Ribada iyagoo laga reebay
Xaggeeda iyo ku Cunidda Xoolaha Dadka si Baadil
ah, waxaana u darabnay Gaalada ka mid ah Cadaab Daran.
162 ) Laakiin kuwa ku Xeeldheer Cimiga oo ka mid
ah iyo Mu'miniinta waxay rumeyen waxa lagu
Dajiyey, iyo wixii la dajinay hortaa, iyo kuwa Ooga
salaadda ee Bixiya Zakad ee rumeeya Eebe iyo
Maalinta Dambe kuwaas waxaan Siinaynaa Ajir Weyn.
163 ) Annagaa kuu waxyoonnay sidaan ugu
waxayoonay ( Nabi) Nuux iyo Nabiyadii ka
dabmeeyay waxaana u waxyoonay Nabi Ibarahim,
Ismeiil, Isxaaq, Yacquub (Awlaad) Faracii, Ciise,
Ayuub, Yuunus, Haaruun, Sulaymaan, waxaana siinay Daawuudna Zubuur.
164 ) iyo Rasuullo aan kaaga Qisoonay horay iyo
Rasuullo aanaan kaaga qisoon, wuuna la hadlay Eebe Nabi muuse Hadal.
165 ) Waa Rasuullo bishaarayn oo Digi si ayan
Dadka Xujo ugu yeelan Eebe ka Dib Rasuullada, Eebana waa Adkaade Falsan.
166 ) Laakiin Eebaa Marag furi wuxuu kuga
Dajiyey wuxuuna ku Cilmigiisa, Malaa'igtuna way Marag furi, Eebana ku Filan Marag.
167 ) kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe waay Dhumeen Dumid Fog.
168 ) kuwa Gaaloobay ee Dulmi falay ma aha Eebe kii u kii u Dambi dhaafa ama ku Hanuuniya Jid.
169 ) Jidka Jahannamo mooyee iyagoo waari Waligood. Arrintaasna waa u Fududahay Eebe.
170 ) Dadow wuxuu idiinla Yimid Rasuulku Xaq
Xagga Eebe ee Rumeeya (Xaqa) saasaa idiin Khar
roon, haddaad Galoodanna Eebe waxaa u
Sugnaaday waxa ku Sugan Samaawaadka iyo Dhulka waa Oge Falsan.
171 ) Ehelu Kitaabkow ha ku xadgudbina Diintiinna
hana ku dhihina Eebe waxaan Xaq ahayn, Masiix
Ciise Ibnu Maryam waa uun Rasuulkii Eebe iyo
Kalimadiisii uu ku Tuuray Maryam iyo Ruuxii
Xaggiisa ah ee rumeeya Eebe iyo Rasuulkiisa,
hahaha dhihina Saddex (ILaah) reebtooma, saasaa
idiin Khar Roon, Eebe waa uun Ilaah kaliya, waa
ka Nasahanyahay in ILom u sugnaado, waxaa u
sugnaaday waxa Samaawaadka iyo DHulka ku Sugan, Eebana ku Filan Wakiil.
172 ) Iskama Kibiyo Masiix inuu ahado Addoon
Eebe, Malaa'igta la dhaweeyeyna (Islaamka
kibriso) Ruuxii iska kibirya Cibaadadiisa oo
iswayneeya wuu u soo kulmin Xaggiisa Dhammaan.
173 ) kuwa Rumeeyey Xaqa oo Camal Fiican fala
wuxuu u Oofin Ajirkooda wuxuuna u kordhin
Fadligiisa, kuwa iska wayneeya oo iskibiriya
wuxuu Cadaabi Cadaab Daran mana helayn Eebe ka sokow Wali iyo Gargaare (midna).
174 ) Dadow waxaa idiin yimid Xujo Xagga Eebe ah waxaanan idiin soo Dejinay Nuur Cad.
175 ) kuwa Rumeeyey Eebe oo Qabsaday (isku
dhawray) Eebe (iyo Quraanka) Wuxuu Galin
Naxariis Xagiisa ah iyo Fadli wuxuuna ka Hanuunin Xaggiisa Jid Toosan.
176 ) waxbay ku warsan, waxaad dhahdaa Eebaa
idiin Fidyoon kalaalada, hadduu dhinto Ruux aan
Ilmoa ahayn oo leh walaashiis waxay Mudan Nus
wuxuu ka tagay isaguna wuu Dhaxli hadduusan
ILmo u sugnaanin, hadday Labo Yahiin waxay
Mudan Labo Dalool wuxuu ka tagay, hadday
Yahiin Walaal Rag iyo Haween ah kan Lab waxaa
u sugnaaday Labo Dhadig Qeebtooda, wuxuu idiin
caddayn Eebe (Xaqa) inaydaan dhumin Eebana wax kasta waa Ogyahay.
0 Comments