4:100 __ RUUXII KU HIJIROODA JIDKA EEBE
wuxuu ka heli Dhulka Maganagal badan iyo
waasacnimo, Ruuxii ka baxa Gurugiisa isgoo u
HiJiroon Xagga Eebe iyo Rasuulkiisa markaas
uu Sugnaaday Ajirkiisu Eebe (Fadli dartiis)
Eebana waa (Dambi) Dhaafe Naxariista.
4:101 __ Haddaad ku safrtaan Dhulka ma aha
korkiinna Dhib (Dambi) inaad gaabisaan
Salaadda Haddaad ka Cabsataan inay idin
fidneeyaan (dhibaan) kuwa Gaaloobay
Gaaladuna waxay idiin yihiin Col Cad .
4:102 __ Markaad tahay Dhexdooda Mu'miniita
ood u oogto Salaadda ha istaago Koox ka mid
ah Agtaada hana qaateen Hubkooda markay
sajuudaan ha ahaadeen Gadaashiinna, hana
Tukudeen la jirkaaga hana qaatee
Digtooniddoda iyo hubakooda waxay jecelyhiin
kuwa Gaaloobay inaad halmaantaan Hukiina
iyo Alaabtiina oo markaas ay idin soo
weeraraan mar kaliya (Idiku kadiyaan)
korkiisan ma ahan Dhib hadduu idin hayo
dhib Roob ah ama aad tihiin kuwa buka
inaad dajisaan Hubka Qaadaana
Digtoonidiinna Eebana wuxuu u darbay
Gaalada Cadaab wax dulleeya .
4:103 __
0 Comments